Qaar ka mid ah masaajidada magaalada Muqdisho ayaa la xiray wax yar ka hor xiligii salaada Jimcaha ka dib markii ay tageen ciidamo Boolis ah oo amar ku bixiyey in la xiro.
Ciidamada ayaa tagay Masaajidada qaar oo ay buux dhaafiyeen jameeco badan oo isku diyaarinayey iney tukadaan salaada Jimcaha, waxayna amar ku bixiyeen in laga baxo masaajidada lana xiro, iyagoo dadka faray iney ku tukadaan guryahooda.
Booliska ayaa sheegay in amarkan uu ka soo baxay DF, ujeedka laga leeyahayna uu yahay in in la yareeyo isku imaatinka, si looga hortago faafida cudurka Coronavirus oo laga shakisan yahay inuu magaalada si hoose ugu faafayo.
Ciidamada DF ayaa ku fashilmay iney xiraan masaajidada qaarkood ka dib markii ay ka hor yimaadeen dadweyne ku sugnaa taasoo sababtay iney isaga tagaan ciidamadii loo diray, waxaana ka mid ah masaajidada uusan amarkan ka fulin masaajidka Marwaas ee degmada Xamar weyne.
Dad badan ayaa dhaliilay talaabadan ay qaadeen booliska, maadaama dowlada Somalia aysan horey warbaahinta uga sheegin amar tilmaamaya in la xiro Masaajidada.
Masuuliyiinta Laamaha ammaanka ee dowladda ayaan ka hadlin amarkan lagu xiray Masaajidada Muqdisho, illaa haddana ma jiro war ku saabsan arrintan oo ka soo baxay DF.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com