Mid kamid ah dowladaha Yurub oo dalkeeda ka tarxiileysa dadka sharci la’aanta ah

Qaar kamid ah wadamada Yurub waxaa ku nool dad badan oo sharci la’aan ah, waxaana dadkaasi u badan yihiin kuwa qaab tahriib ah ku galay loona diiday in magan gelyo iyo sharci la siiyo.

Dowlada Sweden ayaa shaacisay in ay bilaabeyso talaabooyin looga hortagayo in dadka sharci la’aanta ah dalkeeda kusii noolaadaan, waxa ayna dowlada sheegtay in booliiska baarayo dadkaasi si loo tarxiilo.

Wasiirka cadaalada iyo arimaha gudaha Sweden Morgan Johansson, ayaa faray ciidamada booliiska in ay kordhiyaan baaritaanada iyo soo qabashada dadka sida sharci darada ah ku jooga dalkaasi si loo tarxiilo.

Morgan Johansson, ayaa sheegay in sii joogitaanka dadka sharci darrada ah dalka Sweden in ay horseedayso tiro dhibaatooyin halis ah, oo ay ku jiraan dembiyada shaqada, iyo kororka shaqada madow.

Dalka Sweden waxaa kunool Soomaali badan oo qaarkood sharciga dalkaasi loo diiday, mana shaacin dowlada dadka gaarka ah ee la beegsanayo si looga tarxiilo dalka Sweden ay nolol usoo raadsadeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -