(Sawirro) Qarax caawa ka dhacay Hotel ku yaalla Jowhar & Masuul ku dhaawacmay

Qarax ayaa la sheegay inuu caawa fiidnimadii ka dhacay magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe kaasoo daryankiisa laga maqlay meelo badan oo ka mid ah magaaladaas.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan uu yimid ka dib markii rag hubeysan ay bam gacmeed ku tuureen Hotel lagu magacaabo SAFA oo ku yaalla wadada dhinaca woqooyi uga baxda magaalada.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhaawacmeen dhowr qof oo uu ku jiro Guddoomiye ku-xigeenka Maaliyadda magaalada Jowhar Ciiley Warsame oo xiligaas ku sugnaa gudaha hotelka.

Ciidamo ilaalo ka ahaa hotelka iyo kuwa amaanka oo goobta ka dhowaa ayaa qaraxa ka dib rasaas furay, inkastoo baxsadeen raggii ka dambeeyey qaraxaas.

Xaalada magaalada Jowhar ayaa hadda caadi ku soo laabatay inkastoo ciidamada amaanku ay wadaan howlgalo lagu xoojinayo amniga, ayna meelaha qaar ku baarayaan gaadiidka iyo shacabka lugeynaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -