Qofkii ugu horeeyey oo Muqdisho ugu dhintay Coronavirus & kiisas cusub oo la helay

Qofkii u horeeyay ayaa magaalada Muqdisho ugu geeriyooday cudurka Coronavirus ee haatan caalamka dhibaatada xoogan ku haya.

Wasaaradda Caafimaadka xukuumada Somalia ayaa sheegtay in cudurka COVID-19 uu u dhintay Mid ka mida Bukaanadii la xaqiijiyay inuu hayo Coronovirus.

Wasiirka caafimaadka Xukuumada Somalia ayaa qoraal ay soo dhigtay boggeeda Twiterka ku xaqiijisay geerida qofkan, waxayna dhinaca kale sheegtay in afar qof oo hor leh laga helay cudurka,kuwaasoo labo ka mid ah ay ka tirsan yihiin shaqaalaha Wasaarada caafimaadka.

“Ilaahay ha u naxariistee waxaan xaqiijineynaa geerida qofkii ugu horeeyey ee dalka ugu dhintay cudurka COVID 19. Waxaa kaloo isla galabta la xaqiijiyay 4 xaaladood ee cudurka. Waa faafida bulshada dhexdeeda, Waxaa kamid ah dadka laga helay cudurka labo sarkaal oo shaqaalaha Wasaaradda caafimaadka ah taas oo qasab ka dhigaysa dhammaan dadkii la shaqaynayay ama xariirka la lahaa inay karantiil galaan inta laga xaqiijinayo baaritaanka” ayeyn tiri wasiirada

Bukaanka dhintay ayaa ahaa 58 Jir aan Dalka ka bixin, Waxaana intii aan la xaqiijin lagu dawaynayay Isbitaalka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Afarta qof ee cusub ayaa 12 gaarsiinaya tirada kiisaska cudurkan ee laga helay Somalia, marka lagu daro qofka maanta u geeriyooday iyo qof la sheegay inuu ka bogsaday oo ka baxay isbitaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -