Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Qarax caawa ka dhacay Magaalada Boosaaso xili uu saaran yahay bandow

Qarax ayaa caawa ka dhacay Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari gaar ahaan wadada dheer ee dhexmarta bartamaha magaalada agagaarka Ex Hotel Nakhiil.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu dhacay xilli ciidamada amaanka ay ku jireen howlgalka bandowga ee Magaalada saaran habeenkii, waxaana la sheegay in qaraxu ahaa mid la dhigay wadada dhinaceeda.

Taliska qeybta Booliska ee gobalka Bari ayaa qoraal ay bartooda Faceboogga soo dhigeen kaga hadlay qaraxa caawa.

“Ciidamada Booliska gobalka Bari oo ku jiray howgalada Bandowga Boosaaso ayaa Kooxaha dhagar-qabayaasha argagixisada waxay caawa shacab la eegteen qarax ay galiyeen goob uu qashin yaallay, waxaana ku dhawacmay dhowr qof oo u socday xaafadahooda, ciidamada Booliska gobolka Bari waxay wali ku jiraan baaris la Xiriira qarixiii caawa, waxaana jira dad loo soo qabtay qaraxas oo ay baaris ku socoto” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xaalada magaalada Boosaaso ayaa degan, mana jirto cid sheegatay qaraxan inkastoo weerarada noocan ah looga bartay Al-shabaab iyo Daacish oo degaanadaas ka howlgala.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Sargaal katirsanaa kooxda Al Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka Dowladda

Cabdi Cade

Akhriso :Guulaha ay gaartay Dowlada Farmaajo iyo waxyaabaha ay ku fashilantay Sanadka 1-aad

Cabdi Cade

Mid ka mid ah dowladaha caalamka oo dalkeeda ka mamnuucday Qaxootiga dalal ay Somalia ku jirto

Caydiid Ali
Taboola Ads ---