Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wararkii ugu dambeeyey dabkii ka kacay goobo ganacsi oo ku yaalla KM4

Waxaa ugu dambeyn lagu guuleystay in caawa fiidnimadii la demniyo dab xoogan oo galabta casar gaabadkii qabsaday garaash lagu iibiyo gaadiidka oo ku yaalla agagaarka isgoyska Km4 ee magaalada Muqdisho.

Dabkan oo wararka qaarkood sheegayaan inuu ka bilowday qashin la gubay oo yaallay garaashka dhabarkiisa dambe ayaa socday muddo labo saacadood ka badan isagoo cagta mariyey garaashka iyo goobo ganacsi oo lagu iibinayey qalabka baabuurta iyo waxyaabo kale.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in qaar ka mid ah gaadiidka ku xareysnaa garaashka la badbaadiyey ka dib dedaal ay sameeyeen ganacsatadii laheyd iyo dadweyne u gurmaday, inkastoo gaadiid kale uu dabkaas ku gubtay.

Gaadiidka Gurmadka deg deg ah iyo dab demiska gobolka Banaadir ayaa si weyn uga qeyb qaatay deminta dabkaas oo aad u xoogganaa, waxaana uu geystay khasaare maaliyadeed oo lagu qiyaasay kumanaan dollar inkastoo dad waxyeelo soo gaartay aan la sheegin.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, gudoomiyeyaasha degmooyinka qaarkood iyo saraakiil boolis ayaa gaaray goobta, iyagoo ka qeyb qaadanayey gurmadka loo sameynayey deminta dabkaas, sanado ka hor ayeyna ayeyd markii dab kan ka khasaare badan uu ka kacay isla Garaashkan halkaasoo ay ku gubteen gaadiid iyo hanti kale oo fara badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Video: Tirada Soomaalida oo 35 Milyan gaari doonta sanadka 2050 & Warar kale oo xiiso badan

admin

Dibad baxyo rabshado wata oo maanta mar kale ka socda Laascaanood iyo rasaas la maqlayo

Cabdi Cade

Q/Midoobay oo dalbatay in cunaqabateyn caalami ah lagu soo rogo Israel

Caydiid Ali
Taboola Ads ---