Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo shaaciyay magaca Hogaamiye katirsan Al Shabaab oo la dilay

Dowlada Mareykanka ayaa shaacisay in duqeyn diyaaradahooda dagaalka ka fuliyeen deegaan katirsan gobolka Baay lagu dilay Hogaamiye sare oo katirsan dagaalyahanada Al Shabaab.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa shaaciyay in duqayn ay 2-dii bishan April ka gaysteen degaanka Bush Madina ee Gobolka Bay lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan maleshiyada Al-Shabaab.

War saxaafadeed kasoo baxay taliska Africom ayaa lagu sheegay in hogaamiyaha la dilay lagu magacaabi jiray Yuusuf Jiis, waxa ayna ninkan tilmaameen inuu ka mid ahaa aasaasyaasha Al Shabaab, isla markaana ahaa nin arxan daran sida ay tilmaameen.

“Shaqsigan wuxuu ahaa hogaamiye muhiim ah u ahaa argagixsada Al-Shabaab. Wuxuu ahaa nin rabsho badan, arxan darran, kana mas’uul ah dhimashada dad badan oo aan waxba galabsan. Dilkiisa wuxuu Soomaaliya iyo dalalka deriska ah ka dhigayaa kuwa sidii hore ka amni roon,” waxaa sidaas yiri taliyaha AFRICOM Gen. Stephen Townsend.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya, waxaana duqeymahan qaarkood lagu dilay saraakiil sar sare oo katirsan Al Shabaab .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

James Swan oo ka hadlay Qaraxii Xarunta Gobolka oo Saacado yar kadib markii uu ka tagay dhacay

Cabdi Cade

Qarax saakay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Rooble oo arrimo kala duwan kala hadlay Axmed Bin Muxamed (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---