James Swan oo ka hadlay Qaraxii Xarunta Gobolka oo Saacado yar kadib markii uu ka tagay dhacay

Qaramada Midoobay ayaa si kulul u cambaareesay qaraxii shalay galab ka dhacay xarunta maamulka Gobolka Banaadir ay ku dhinteen Gudoomiyaal Degmo, Agaasimayaal iyo xubno kale oo katirsanaa maamulka gobolka Banaadir.

Ergeyga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa si weyn u cambaaeeyay ciddii ka dambeysay qaraxii ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir.

War Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska UNSOM ee Muqdisha ayaa lagu sheegay in ay Qaramada midoobay aad ugu xun tahay wixii halkaasi ka dhacay, Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysana ay Garab taagan tahay Dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

“Waxaan cambaareynayaa weerarka waxashnimada ah ee ay soo maleegeen kuwo aan qaddarineyn nolosha Bini’aadmiga ee bartilmaameedsanaya Dad ka shaqeynaya wanaagga nolosha Walaalahooda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Banaadir” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Xafiiska James Swan.

James Swan, oo sidoo kale ah Madaxa howlgalka Qaramada midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), ayaa tacsi u diray Qoysaska iyo asxaabta dhibanayaasha, wuxuuna kuwa dhaawaca qaba u  rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

Qaraxan ayaa dhacay saacado yar kadib markii Ergeyga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu ka tagay xarunta gobolka Banaadir uu booqasho ku tagay, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in qaraxaasi ku doonayeen in ay ku dilaan James Swam.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -