Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlada Itoobiya oo gudbisay warqad dacwad oo ka dhan ah Tedros Adhenom

Xukuumadda Adis Ababa ayaa warqad dacwad ah oo ka dhan Tedros Adhenom Ghebreyesus, oo ah madaxa Hay’adda Caafimaadka Aduunka u gudbisay isla hay’adda uu ninkan madaxa ka yahay ee WHO.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda xukuumadda Itoobiya Tedros Adhenom oo kasoo jeeda qowmiyada Tigrey ayaa dowlada Itoobiya ku eedeysay  inuu ku kacay anshax xumo uuna qaaday talaabooyin qaldan oo dowlada ka dhan ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in Tedros uu faafiyey macluumaad khaldan, isagoo wax u dhimey “sumcadda, madax banaanida iyo kalsoonida lagu qabo hay’adda caafimaadka adduunka (WHO).

Dowlada Itoobiya ayaa sidoo kale sheegtay Tedros Adhenom, oo magaca dowlada Itoobiya xilka uu hada hayo hareer maray daacadnimadii uuna la saftay garabna siinayo kooxo cadaw ah oo kasoo horjeeda jiritaanka Itoobiya.

Madaxda Hay’adda caafimaadka addunka Tedros Adhenom Ghebreyesus, ayaa dowlada Itoobiya ku eedeesay in uu xubin fir fircoon ka yahay jabhada TPLF ee dagaalka kula jirta dowlada Itoobiya uuna faafiyo warar aan sax aheyn.

Dowlada Itoobiya ayaa dooneysa in mar kale aan Tedros aan loo dooran madaxa WHO lagana saaro liiska musharaxiinta isku soo taagaya xilka, waxaana Tedros Adhenom la sheegay in taageero ka heesto dowlada ay ku jiraan Kenya iyo Botoswana.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulka Masjidka Xaramka oo beeniyay Qoraal laga faafiyay Sheekh Cabdirixmaan Sudays

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Isbitaalka Xaawo Cabdi oo xusey Sannad Guuradii 47-aad  ee Aas-Aaaskii Isbitaalka

Cabdi Cade

Dowladaha Ruushka iyo Iran oo ka hadlay mustaqbalkooda dalka Suuriya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---