Cillad ku timid Nidaamka Raadaarka Maraykanka iyo Diyaaradaha Dagaalka oo la hawl-geliyey

Milliteriga dalka Maraykanka waxay shaaciyeen xilli dambe oo xalay oo Sabti ahayd inay cillad ku timid nidaamka Raadaarka, taasi oo sababtay in hawada gobalka Montana si KMG ah looga xiro diyaaradaha rayidka.

Bayaanka milliteriga kasoo baxay laguma sheegin wax hadaf Khatar ah oo isha lagu hayey.

Taliska difaaca hawada sare ee waqooyiga Amerika (The North American Aerospace Defense Command (NORAD) waxay dirtay diyaaradaha dagaalka, balse, ma aysan soo helin wax la xiriira calaamadaha Raadaarka.

Taliska NORAD waxay kaloo sheegtay inay sii wadi doonaan inay kormeeraan, lana socdaan Xaalladaha Hawada Sare ee dalkaasi. Mar sii horeysay, Diyaarad Dagaal oo F-22 Fighter Jet oo Maraykanka leeyahay waxay soo riday Qalab aan la aqoonsanin oo dul heehaabayey Hawada Sare ee dalka Canada.

Waana markii Labaad ee ay Diyaaradaha Maraykanka soo ridaan qaladkaasi oo kale muddo 2 maalin gudaheeda.

Dhanka kale, xilli dambe oo shalay, waxay hay’adda maamulka duullimaadka Federalka Maraykanka (The US Federal Aviation Administration) waxay xirtay, kadibna dib u furtay hawada sare ee gobalka Montana ee Galbeedka dalkaasi, iyadoo si KMG looga mamnuucay diyaaradaha 50 nautical miles ee deegaanada ku hareeraysan Havre, Montana oo u dhow xuduudka dalka Canada.

Maraykanka iyo Canada waxay xaallad feejignaan sare galeen, kadib, markii bilowgii bishan buufin ama balloon uu dalka Shiinaha lahaa uu dul heeheebay hawada sare ee goballada Montana ilaa South Carolina ee dalka Maraykanka, iyadoo ugu dambayntii la soo riday Balloonkaasi.

Waaxda Difaaca Maraykanka ee Thw Pentagon waxay sheegtay inuu buufinka ahaa mid loo adeegsaday hawlgal wax lagu basaaso, inkastoo ay dowladda Shiinaha sheegtay in buufinkaasi ku hawlanaa cilmi baaris dhanka Cimilada.

W/T Ustaad Nuradin

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -