Bixinta Baasaboorka Soomaaliga oo hakad la geliyey iyo Sababta ka dambeysa

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay la si KMG ah loo hakiyay bixinta qabashada codsiga Baasaboorka, iyadoo laga duuliyo taxadirka laga muujinayo fiditaanka cudurka Coronavirus ee caalamka oo dhan uu dagaalka kula jiro.

Agaasimaha Hay”adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS Col. Maxamed Aadan Koofi ayaa sheegay in la hakiyay qabashada codsiga Baasaboorka ilaa wargelin dambe saameynta Virus-ka Corona awgeed.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah dadaalada la xiriira ka hortagga fiditaanka Covid-19 oo ay waddo dowladda Soomaaliya, iyadoo ay jiraan wacyigelino joogto ah oo ay hay’adaha dowladda Soomaaliya u sameynayaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Cudurka Corona-Virus ayaa sameyn dhankasta ah ku yeeshey nolosha bulshada caalamka, iyadoo ay bar bar socdaan dadaalo dowladuhu ay ku yareeynayaan kororka wax-yeelada cudurkan oo muddo kooban gudaheed ku faafay aduunyada oo dhan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -