Madaxweyne Farmaajo oo soo gaabiyay Safarkii Koongo kuna soo laabtay Muqdisho

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kaddib markii uu safar shaqo ku gaaray Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo,

Farmaajo ayaana magaalada Kinshaasa ee caasimada dalka Koongo  kulan kula soo qaatay dhiggiisa Dalkaas Mudane Felix Tshisekedi ahna Madaxweynaha Midowga Afrika, waxa ayna kawada hadleyn arimo dhoor ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaana la sheegay in safarkiisa oo la filayay in uu qaato 48-saacadood soo gaabiyay, waxa uuna si deg deg ah ugu soo laabtay magaalada Muqdisho oo xiisad siyaasadeed ka jirto.

Farmaajo ayaana sida wararka soo baxaya sheegayaan ku guul dareestay qaar kamid ah qorshayaashii uu u tagay dalka Koongo ay kamid aheyd in Madaxweynaha midowga Afrika ku qanciyo mudo kordhinta golaha Shacabka u sameeyeen.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaana ka codsaday midowga Afrikla in ay qaataan door dhax dhaxaadin ah iyo sidii ay isugu keeni lahaayeen Saamileyda Siyaasada si ay heshiis uga gaaraan doorashada muranka hareeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -