Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamada Maraykanka oo hal maalin saddex duqeyn ka fuliyey gobolka Sh/hoose

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa shaaciyey in saddex duqeyn oo cirka ah uu ka fuliyey Gobolka Sh/Hoose, iyadoo lagu dilay xubno ka mida Alshabaab.

Qoraalka AFRICOM ayaa lagu sheegay in saddexda weerar oo ka dhacay shalay degaanka Mubaarak ee Gobolka Sh/Hoose in lagu dilay 8 ka mida Alshabaab, isla markaana aanay wax qasaare ah kasoo gaarin dad rayid ah.

AFRICOM ayaa sheegtay in iyadoo dunida ay dagaal kula jirto coronavirus, haddana ay sii wadi doonto weerarrada ka dhanka ah Al-shabaab oo lagu curyaaminayo dhaqdhaqaaqooda.

Taliska ayaa shaaciyay inay duqeyn dhinaca cirka ah Jimcihii ku beegsadeen dagaalyahano ka tirsan ururka Al-Shabaab oo ku sugnaa agagaarka tuulada Bush Madina ee gobolka Bay, halkaasoo ay sheegeen in lagu dilay 5 argagixiso sida ay warka u dhigeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo tarxiilaya dadka Taageera Xamaas kana soo horjeeda Isra’il

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Saraakiil Milatari oo booqatay Deegaankii dhawaan lagu dilay Askariga Mareykanka

Cabdi Cade

Maxay ka wada hadleen Shiikh Aadan Madoobe iyo danjire Ed Barnett? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---