Allbanaadir.com
NEWS

Musharaxiinta Mucaaradka Puntland oo go’aan mideysan qaatay kana hor-yimid guddiga…

Musharrxiinta Mucaaridka ah ee u taagan xilka Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa mowqif midaysan ku go’aamiyay in doorashada 2024 lagu galo 49 xildhibaan kadib shir gaar ah oo ay ku yeesheen magaalada Garoowe.

War-saxaafadeed ka soo baxay Musharrixiinta xilka Madaxweynaha Puntland ayay sidoo kale ku sheegeen in ay kalsoonida kala laabteen guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamanka cusub ee Puntland.

Musharrixiinta Mucaaridka ah ayaa isku raacay in doorashada Madaxtooyada Puntland ku dhacdo wakhtigeeda oo ku beegan 8 Jan 2024 laguna galo 49 xildhibaan maadaama SSC-Khaatumo ka baxda Puntland sida War-saxaafadeedka lagu sheegay.

Golaha Musharrixiinta Mucaaridka ah oo ka kooban 15 xubnood ayaa sidoo kale uga digay Madaxweyne Deni iyo guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Ansixinta Baarlamanka in ay sii wadan Hawsha doorashada oo aan heshiis lagu ahayn.

Related posts

Suul saar laga hir-geliyay xarunta gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho farriin diray

Cabdi Cade

Gudoomiyihii iscasilay ee Guddiga doorashada Puntland oo eedeymo culus u jeediyey Deni

Caydiid Ali

Raisul Wasaare Najib Razak oo xabsi adag lagu xukumay ka dib fadeexadii 1MDB

Caydiid Ali
Taboola Ads ---