Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Amar cusub oo laga soo saaray xaasaska iyo caruurta xubnaha ka tirsan Al-Shabaab

Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa amar cusub ka soo saartay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab sida laga yeelanyo xaasaska iyo caruurta xubnaha ka tirsan Al-Shabaab.

Afhayeenka Wasaarada G/lle Sare C/llaahi Cali Caanood ayaa sheegay inaan la beegsan karin xaasaska iyo caruurta xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee loogu talo degaanada laga saaro kooxaas, isagoo xusay in amarkan uu si toos ah uga soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya.

G/lle Sare C/llaahi Cali Caanood ayaa sidoo kale sheegay inaan la dili karin qof aan fal dembiyeed ku jirin ama isa-soo dhiiba.

“Siyaasada dowladda kuma jirto in la laayo dad aan waxba galabsan, ninka isdhiibaya waa in la soo dhaweeya, xaasaska iyo carruur loo nisbaynayo Al-Shabaab lama dili karo, haddii aysan fal dembiyeed ku jirin,” ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka ayaa sheegay inay hayaan warar sheegaya in Al-Shabaab ay dhallinyaro badan qafaasheen si ay u galiyaan dagaalka ay dawladda kula jiraan, wuxuuna ugu baaqay inay isa-soo dhiibaan inta dagaalku socdo,  si loo amaan geliyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Xagee ku dambeysay diidmadii Somaliland ee booqashadii Madaxweyne Farmaajo?

admin

Shaqaalaha & Saraakiisha ciidanka Puntland oo loo digay

Caydiid Ali

Funaanad ay laheyd Princess Diana oo lacag waali ah lagu iibsaday (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---