Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Itoobiya oo laga helay kiisas cusub oo Coronavirus ah & qofkii ugu horeeyey oo u dhintay

Dowlada Itoobiya ayaa shaacisay in bukaankii ugu horreeyay uu dalkaas ugu geeriyooday cudurka Coronavirus ee caalamka dhibaatada ba’an ku haya.

Sidoo kale guddiga dowlada Itoobiya ugu qaabilsan la dagaalanka Coronavirus ayaa xaqiijiyay iney heleen 5 kiis oo kale, kuwaasoo tirada guud ee dadka laga helay cudurkan gaarsiiyey 43 ruux guud ahaan dalka Itoobiya.

Raisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo xalay shacabka dalkaas kala hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowladiisu ay ku dedaaleyso in la xakameeyo faafida cudurkan, isagoo shacabka ugu baaqay iney qaataan talaabooyinka badqabka ee looga hortago cudurkan.

Dhamaan dalalka geeska afrika ayaa laga helay cudurkan inkastoo tirooyinka la helay ay kala badan yihiin, waxaana ugu badan Kenya oo laga helay ku dhowaad 120 kiis, 7 qof ayaana u dhintay, Jabuuti ayaa xigta oo 51 kiis diiwaan gelisay, hal qofna uu u dhintay, waxaana ugu yar Somalia oo illaa hadda laga helay 7 kiis, iyadoo aysan jirin cid u dhimatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Gaas oo la Xisaabtamay Hay’adaha Caalamiga ee Puntland ka howlgala

Cabdi Cade

Soomaali laga soo celiyay Liibiya oo Goordhaw laga soo dejiyay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Guddoomiyaha Midowga Afrika oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---