Xaaf oo kusii jeeda magaalada Dhuusomareeb kadib markii la qanciyay !!

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf saacadaha soo aadan uu ku wajahan yahay magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug.

Xildhibaano katirsan labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa ku guuleestay in ay xaliyaan tabashada Xaaf kuna qanciyaan in uu tago magaalada Dhuusomareeb.

Madaxweynihii hore ee Galmudug Xaaf ayaa aqbalay in uu tago caasimada maamulka Galmudug ee Dhuusomareeb lana kulmo Madaxweynaha aan wali la caleemo saarin ee Galmudug Axmed Qoor Qoor.

Qaban qaabada oo dhaweynta Madaxweynihii hore ee Galmudug ay wehliyaan Xildhibaano katiran labada aqal ayaa ka socota magaalada Dhuusomareeb, waxaana la filayaa Xaaf in kulamo la qaato Madaxda Galmudug kana wada hadlaan arimo badan.

Xaaf ayaa diiday doorashadii ka dhacday magaalada Dhuusomareeb ee lagu doortay Madaxweyne Qoor Qoorm waxa uuna Xaaf sheegay in isagu wali yahay Madaxweynaha Galmudug, hasa ahaatee wadahadalo kadib ayaa lagu qanciyay in uu xilka wareejiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -