Ciidamada amaanka oo gubay Jaad si sharci daro looga ganacsan rabay (Sawirro)

Ciidamada booliiska maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay jaad la doonayay in si sharci daro ah loo galiyo magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaana jaadkan lagu qabtay koontaroolka magaalada laga soo galo.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/sare Xusseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in ciidamada booliiska qabteen jaad si sharci daro ah loo galinayay magaalada Boosaaso lana doonayay in lagu iibiyo.

Waxa uu sheegay taliyaha in ciidamada booliiska si walbo oo loo soo qariyo jaadka ku guuleesan doonaan in gacanta kuoo dhigaan, waxa uuna digniin u diray dadka doonaya in jaadka si sharci daro ah kuoo galiyaan magaalada ugana ganacadaan.

Talika booliiska gobolka Bari ayaana goob fagaare ah ku gubay jaadkan lagu qabtay koontaroolka magaalada Boosaaso, waana jaadkii labaad oo mudo labo todobaad gudihiis ay gubaan ciidamada booliiska Boosaaso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -