Hub sharci daro ah iyo dareeska ciidamada oo lagu qabtay Adis Ababa (Daawo Sawirro)

Ciidamada booliiska magaalada Adis Ababa ayaa gacanta ku dhigay hub sharci daro ah iyo dareeska kala duwan ay xirtaan ciidamada federaalka Itoobiya iyo ciidamada dowlad deegaanada dalkaasi.

Hubkan iyo dharka ciidamada ayaa lagu qabtay bakhaar kuyaala magaalada Adis Ababa , waxa ay sidoo kale ciidamada xireen dhoor qof oo lagu tuhmayo in ay ku lug lahaayeen hubkan iyo dareeska ciidamada ee la qabtay.

Taliyaha booliska degmada Addis Ketema ee magaalada Addis Ababa Commander Kebede Asafa ayaa sheegay in ciidamada booliiska bakhaar kuyaala adis ababa ku qabteen hub iyo dareeska ciidamada kala duwan ee Itoobiya.

Waxa uu sheegay taliyaha in bakhaarka hubka lagu qabtay u kireesnaa haweeney, waxa uuna tilmaamay in ciidamada xireen shan qof oo lagu tuhmayo in ay ku lug leeyihiin hubka iyo dareeska ciidan ee la qabtay lana baarayo.

“Waxaa shaqsiyaadkaasi booliska gacanta uu ku soo dhagay hadda ku socota baaritaan lagu ogaanayo arrinta loo haysto doorka ay ku leeyihiin” ayuu yiri Commander Kebede Asafa.

Dalka Itoobiya waxaa sharci daro ka ah in dareeska ciidanka iyo qalabkooda gacanta u galo shacab , waxaa sidoo kale sharci daro ah in laga ganacsado dareeska ciidamada ama lasoo iibsado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -