Trump oo diiday inuu qaato qaar ka mid ah talooyinka ka hortaga Coronavirus

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa diiday inuu xirto walxaha afka lagu xirto ee gacanta ka gaysta in looga gaashaanto cudurka Coronavirus.

Arrintan ayaa timid kaddib markii lagu dhawaaqay in dowladdiisa ay ku talabixinayso in dhammaan dadka maraykanka ah ay goobaha fagaarooyinka afkooda duubtaan.

Mr Trump ayaa ku celceliyay in tallaabooyinkaas aanay qasab ahayn, Wuxuu sheegay inaysan ka suuroobin inuu madax, boqoro iyo kali taliyayaal inuu aqalka cad ku salaama isagoo uu afku u xiran yahay, “Adigana kuma khasbanid, umaleyn maa in ana anigana xiran doono” ayuu yiri Madaxweynaha

Talaaboyinka ay soo saartay xarunta ka hortagga cudurada ayaa imanaysa kaddib markii Mareykanka laga xaqiijiyay in dad ka badan  270 kun kiis oo fayraska corona ah halka dhimashaduna, ay cagacageyneyso 7,000 oo qof.

Tirada dadka cudurka coronavirus ugu dhintay gudaha waddanka Mareykanka ayaa waxa ay maalin qura ka saramartay 1300, tiradaas oo noqonaysa middii ugu sarraysay ee muddo 24 saacadood ah dunida laga diiwaangeliyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -