Saraakiil & dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo xalay lagu laayey degmada Jilib

Dayuurado loo malaynayo iney yihiin kuwa Maraykanka ayaa lagu soo warramayaa iney xalay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe ka geysteen duqeymo aad u xoogan oo khasaare badan geystay.

Wararka laga helayo degmada Jilib ayaa sheegaya in duqeymahaasi lala beegsaday saldhigyo kala duwan oo ay Al-Shabaab ku leeyihiin gudaha iyo hareeraha degmadaasi.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in duqeymahan lagu burburiyey illaa afar goobood oo Al-Shabaab ay Xarumo ku leeyihiin, kuwaasoo ay ka mid yihiin Saldhiga iyo xarunta maamulka degmada Jilib, xarun ay Al-Shabaab ku leeyihiin duleedka degmadaas oo loo diyaariyey in laga weeraro Degaanka Baarsanguuni iyo xarun kale oo Al-Shabaab ay ku diyaariyaan Al-Shabaab.

Weerarada xalay oo ahaa kuwii ugu xumaa ee mudooyinkan ka dhaca degmada Jilib ayaa waxaa la sheegay inay ku  geeriyoodeen qiyaastii Boqol dagaalyahan oo uu ku jiro Sarkaalkii maamulayay Saldhiga degmadaasoo magaciisa lagu sheegay Xasan Dheere, iyo ku xigeenkiisa oo lagu magacaabi jiray Macalin Cali.

Sidoo kale, saraakiisha lagu dilay weerarkan ayaa waxa la sheegay inuu ka mid yahay nin magaciisa Xuseen Xeyle oo tababare ahaa sida ay sheegayaan saraakiil ka tirsan maamulka Jubbaland oo si dhow ula socday duqeymahan.

Maxaabiis u xirneyd Al-Shabaab oo tiradooda gaarayso illaa 5 qof ayaa sidoo kale la xaqiijiyey iney ku dhinteen duqeyntaas, waxaana jira warar kale oo inta aan soo sheegnay ka badinaya khasaaraha weerarkan oo weli xogta laga helayo ay iska soo daba dhaceyso.

Xaalada degmada Jilib ayaa la soo sheegayaa iney kacsan tahay maanta, iyadoo Ciidamada Maraykanka ee jooga Somalia aysan illaa hadda war ka soo saarin duqeymahan, sidoo kale Al-shabaab ayaan ka hadlin, waxaana aad u adag sida xogo dheeraad ah oo madax banaan looga helo degmada Jilib.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -