Puntland oo shaacisay natiijada baaritaanka dad loo karantiilay Coronavirus

Puntland ayaa faahfaahin ka bixisay Natiijada kasoo baxday baaritaano lagu sameeyay shan qof oo dhawaan lagu karantiilay Magaalada Garoowe ka dib markii lagu tuhmay inay qabaan Cudurka Coronavirus oo haatan caalamka oo dhan uu dagaal kula jiro.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan ayaa sheegay in shanta ruux afar ka mid ah lagu sameeyay baaritaano ku aadan Coronavirus, lagana waayay Cudurka, halka midka shanaadna aan lagu sameyn baaritaan, kadib markii calaamadaha Cudurka ay ka soo muuqan waayeen.

Dadka laga waayey Cudurka ayaa kala ah saddex Nin oo u dhashay Bangladesh ah iyo nin Soomaali ah oo ka soo laabtay dalka Ingiriiska oo ka mid ah dalalka uu Coronavirus saameeyay.

Jaamac Faarax Xasan ayaa tilmaamay in qof kale oo dorraad lagu karantiiley Puntland, isla markaana laga qaaday baaritaano ku aadan COVID-19 ay xaaladdiisu wanaagsan tahay, uuna ku laabtay dalka Itoobiya oo markii hore uu ka soo galay Puntland.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan ayaa sheegay iney sii wadi doonaan feejignaanka ay kaga jiraan cudurkan dadka faraha badan ku laayey caalamka, isagoo shacabka ugu baaqay iney qaataan talooyinka dhaqaatiirta iyo wasaarada ka soo baxay si looga hortago inuu faafo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -