Shirkii u dhexeeyey RW Rooble iyo Mucaaradka oo oo la isku mari waayey (Sababta)

Shir u dhaxeeyey Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Midowga Musharaxiinta oo xalay ka furmay Hotelka Decale ee magaalada Muqdisho ayaa fashil ku soo dhamaaday.

Shirkan ayaa looga hadlayey xal u helida khilaafka ka taagan doorashada iyo qodobo kale ayaa la isku mari waayey ka dib muudo saacadood ka badan oo la wada hadlayey

Qodobka ugu weyn ee la isku fahmi waayey ayaa ahaa dalab ka yimid  musharaxiinta oo ahaa laga qeyb-galiyo wadahadallada ku saabsan doorashada dalka ee u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada, taasi oo Rooble ku gacan seyray.

Wasiirka amniga Qaranka Xasan Xundubey oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in wada hadalladii Murashaxiinta iyo xukuumadda xil gaarsiinta ay qaateen saacado badan, balse aan lagu guuleysan in wax natiijo ah kasoo baxaan, maadaama buu yiri mucaaradku dalbadeen in laga qeyb-geliyo shirka golaha wadatashiga ee dowlad goboleedyada iyo madaxda dowladda dhexe.

“Arrintaasi waa mid aan horay u dhicin go’aan ahaanna xukuumaddu keligeed ma laha, waa mid u taalla dowlad goboleedyada oo dhan” ayuu yiri wasiir Xundubey oo intaas ku daray in shir kale labada ay iskugu iman doonaan.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, oo kulanka ka dib qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in shirka uu u fashilmay arin uusan go’aankeeda lahayn.

“Shirkii aan la qaatay Midowga Musharaxiinta, waxaan sameynay tanaasul badan. Qodobbadii aan ka hadalnay waan isku raacnay marka laga reebo qodob ay ku adkeysteen oo ah in laga qeyb galiyo shirka Madasha Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, taasoo la macne ah in dib loo furfuro heshiiskii 17-kii September 2020, oo aanan kaligey xaq u lahayn wax ka baddelkiisa,” ayuu sheegay ra’iisal wasaaraha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -