Dowladda Hindiya oo ballan-qaadyo muhiim ah u sameesay Soomaaliya (Daawo Sawirro)

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada XFS Dr Cali Xaaji Aadan oo uu wehliyo Danjiraha JFS u jooga dalka Hindiya Mudane Axmed Cali Daahir ayaa kulan la qaatay Xoghayaha Guud ee Galbeedka Aasiya, Waqooyiga & Bariga Afrika u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda India Dr. Pradeep Rajpurohit.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa, Qunsulka ahna Ku-xigeenka Safiirka Mudane Abdifafah Abdullahi Nur iyo Mudane Axmed Aadan Maxamed lataliye sarre iyadoo kulankaas looga hadlay in dowladda Hindiya fududeyso fiisooyinka caafimaadka gaar ahaan dadka ku sugan xaaladaha deg deg ah oo aan awoodin in ay safraan.

In dowaladda Hindiya Soomaaliya ugu deeqi doonto shixnado daawo iyo qalab caafimaad ah oo lagu caawin doono dadka Soomaaliyeed gaar ahaan goobaha dagaalada xooggan ay ka wadaan ciidamada Dowladda.

Dhankale Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada wafdigiisa ayaa booqasho ku tagay cisbitaalka APPOLA ee ku yaala Magaalada New Delhi isagoo kormeeray qaybaha kala duwan ee cisbitaalka.

Wasiirka ayaa kala hadlay maamulka cisbitaalka in dadka Soomaaliyeed ee caafimaadka usoo doonta laga ilaaliyo ka faa’iidaysiga isla markaana la siiyo adeegyo hufan, waxaana uu ka codsady in loo sameeyo bukaannada Soomaalida macaamil gaar ah oo dhinacyada dhaqaalaha ah.

- Advertisement -