Dad hor leh oo ku sugan Muqdisho oo laga helay Caronavirus iyo Dowlada oo ka hadashay

Waxaa sii kordhaya tirada dadka laga helayo cudurka Caronavirus gudaha Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxaana caawa wasaarada caafimaadka Soomaaliya shaacisay kiisas hor leh cudurkan oo laga helay dalka.

Wasaarada caafimaadka xukuumada Soomaaliya ayaa shaacisay in labo kiis oo hor leh oo Caronavirus laga helay magaalada Muqdisho, waxaana labadan ruux ee laga helay caabuqan mid kamid ah yahay Soomaali halka kana kalana yahay ajnabi.

“Waxaa soo kordhay 2 xaaladood oo cusub oo coronavirus ah, 1 Muwaadin iyo 1 Ajnabi ah ee ku sugan Muqdisho,Tirada guud ee la xaqiijiyey 7 ,Tirada bogsatay,1 Tirada dhimashada waa 0 ” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka.

Dowlada Soomaaliya ayaa qaaday talaabooyin looga hortagayo in cudurkan ku faafo dalka, waxaana la xayiray duulimaadka gudaha Soomaaliya iyo dalka dibadiisa, waxaa sidoo kale la xiray goobaha waxbarashada iyo goobaha dadku isugu yinaadaan

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -