Caro ka dhalatay Dhaqaatiir ku baaqday in talaalka Caronavirus lagu tijaabiyo Afrika

Labo dhaqtar oo u dhalatay dalka Faransiiska ayaa ku baaqay in talaalka looga hortago cudurka dunida ku faafaya ee Caronavirus lagu tijaabiyo qaarada Afrika si loo ogaado talaalkaasi tayadiisa.

Dhaqaatiirtan oo ka hadlayay telefishin kuyaala dalka Faransiiska ayaa ka hadlay dhibaatada cudurka Caronavirus iyo sida loola dagaalami karo, waxa ayna sheegeen in muhiim tahay in talaalka cudurkan lagu tijaabiyo dadka Afrikaanta ah.

Hadalkan kasoo yeeray Dhaqaatiirtan ayaa si kulul waxaa u cambaareeyay dad badan oo Afrikan ah oo magac ku leh dunida, waxaa sidoo kale hadalka dhaqaatiirtan cambaareeyay ururada kasoo horjeefa midab kala sooca.

Ciyaaryahankii hore ee xulka Qaranka Côte d’Ivoire iyo kooxda Chelsea Drogba ayaa  sheegay in Afrika aysan aheyn sheybaar lagu fuliyo tijaabooyinka halka Xidigii hore ee Camerona iyo Barceola Eto isna sheegay in Dhaqaatiirtan yihiin dilaayaal.

Baraha bulshada ayaana si weyn looga fal celiyay hadalkan kasoo yeeray Dhaqaatiirtan u dhalatay dalka Faransiiska ee ku baaqay in tijaabada cudurka Caronavirus lagu tijaabiyo dadka Afrikaanta ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -