Dad loo xirxiray caruur kufsi argagax leh loogu geystay deg. Afgooye

Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa si kulul u cambaareeyey fal kufsi ah oo degmada Afgooye loogu geystay gabdho aad u yar yar oo la afduubtay.
Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa sheegay in maamulkiisa ay dad fara badan u soo xireen falkaasi fooshan, kuwaasoo uu xusay iney baaritaano ku socdaan.

“Waxaan shacab weynaha ku nool Shabellaha hoose iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in ilaa 18-qof oo looga shakisan yahay in ay ka dambeeyeen kufsiga Degmada Afgooye loogu geystay Ilmaha yar ay xiran yihiin laamaha Amnigana ay weli wadaan baaris la xiriirta kiiskan, Waana arrin aad looga xumaado in gabdho aad u da’ayar loo geysto kufsi, Xaalada gabdhaha yar iyo qoyskana aad baan uga warqabnaa” ayuu yiri Gudoomiye Najax

Galabnimadii Isniinta oo taariikhdu tahay 30 bishii hore ee March ayey aheyd markii la waayay halka ay jaan iyo cirrib dhigeen Aamino Muuse Axmed oo 3 jir ah iyo Sumayo Cabaas Cumar oo 4 jir ah.

Sida ay qoysaskoodu sheegeen Markii cid ugu war dambeysay waxey ku ciyaarayeen illinka hore ee gurigooda oo ku yaallo degmada Afgooye gaar ahaan xaafadda Xaawo Taako.

Dadaal aan loo kala harin oo lagu baadi-goobay ka dib Maalintii xigtay oo aheyd Talaado taariikhduna ay ku beegneyd 31- March xili fiidnimo ah ayaa mar qura beer ka mid ah beeraha degmada Afgooye laga maqlay sawaxanka iyo ooyinta gabdhahan oo halkaas la soo dhigay

Gabadhahan yar yar oo Isbitaal Madiino la dhigay ayaa waxaa jirkooda ka muuqday dhaawaca, waxaa la sheegay inaysan saxaroon karin, dhawaanna ay sugayaan qalliin, si saxarada looga soo saaro, waxaana sidoo kale la sheegayn iney isku furmeen oo kaadidada aysan ceshan karin.

Aabbe Cabaas oo ah aabbaha dhalay Sumayo ayaa sheegay inaan gacan lagu heyn cidda falkaan foosha xun ka dambeysay, aadna ay u xanuunjineyso waxa gabdhahooda ku dhacay.

Sumayo iyo Aamino waxay ku wada noolaayeen hal guri, waxaana kala dhalay gabar iyo Abtigeed, hadda wey is dhinac jiifaan, waxa kaliya ay isla soo gaaraanna waa ooyinta oo ay mararka qaar isla jiibinayaan xanuunka haayo dartiis.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -