Tirada dadka uu haleelay cudurka COVID-19 oo gaartay heerkii ugu sareeyey

Sida laga soo xigtay tirakoobkii ugu dambeeyay ee Jaamacadda Johns Hopkins tirada guud ee kiisaska Coronaviris ayaa gaartay hal milyan dunida oo dhan.

In ka badan 51,000 oo qof ayaa dhimatay halka 208,000 kun oo qofna ay ka caafimaadeen Fayraska Corona, waa sida lagu sheegay tirakoobka Jaamacadda.

Mareykanka ayaa hogaaminaya tirada guud ee dadka uu ku dhacay xanuunkan, halka Talyaanigana uu majaraha u hayo tirada ugu badan ee u dhimatay Corona.

Xanuunka Covid-19 ayaa markii ugu horreysay ka soo if-baxay bartamaha dalkaasi Shiinaha muddo haatan laga joogo 3 bilood.

Inkastoo tirakoobka Jaamacadda Johns Hopkins lagu diiwaan geliyay milyan kiis, hadana waxaa la aaminsan yahay in tirada saxda ay intaasi aad uga sarreyso.

Muddo bil iyo badh ah ayay qaadatay in la diiwaangeliyo 100,000 oo kiis, waxaana milyan qof oo qaba fayraska Corona la diwaangeliyay ka dib markii toddobaadkii la soo dhaafay ay tirada kiisaska xanuunkan saf-marka ay laba jibaarantay.

Ku dhowaad boqolkiiba shan iyo labaatan tiradaasi waxaa laga diiwaan geliyay Mareykanka halka Yurubna boqolkiiba 50 laga diwaan geliyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -