Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe oo Baaq Nabadeed soo saaray

Madaxweynaha Dowlada Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaanka kabxanlay ee waqooyiga Magaalada Beleddweyne.

Madaxweynaha ayaa nasiib darro ku tilmaamay in xilligan uu daato dhiig dad walaalo ah waxa uuna dhinacyada dirirta u dhaxeyso ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan dagaalka ku joojiyaan, islamarkaana wax walba ku xaliyaan wadahadal.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Maamulka Gobolka, Hay’addaha Amniga, Nabadoonada, Waxgaradka iyo Culuma’udiinta Gobolka Hiiraan in si deg deg ah ay ugu baxaan joojinta colaada beelaha walaalaha ah.

- Advertisement -