Sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu dilay Duleedka Xudur

Ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan degmada Xudur ayaa sheegay iney maanta toogasho ku dileen mid ka mid ah saraakiisha Al-shabaab, ayna dhaawaceen labo kale ka dib iska horimaad ka dhacay duleedka magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

Saraakiisha ayaa sheegaya in iska horimaadkan uu bilowday markii ciidamada Xoogga dalka ay qaadeen howlgal lagu soo furanayey saddex mooto bajaaj iyo dadkii la socday oo la sheegay iney qafaasheen dabley ka tirsan Al-shabaab.

Maxamed Isaaq Cali oo ah sarkaal ka tirsan taliska guutada 9-aad ayaa sheegay in howlgalkaasi ay ku dileen sarkaal Al-shabaab ka tirsan isla markaana ku dhaawaceen 2-kale, ka dib markii ay meel 30-km u jirta degmada Xudur ay uga dabatageen kooxda afduubtay mootooyinkaasi Bajaajka ah.

Sarkaalkaasi ayaa sheegay inay howlgalkaasi ku soo furteen qori Ak-47 ah iyo rasaas, wuxuuna sidoo kale xusay in ciidamada sidoo kale soo furteen mootooyinkii iyo darawaladii afduubnaa.

Howgalkaasi oo uu hogaaminayey taliyaha guutada 9aad qeybta 60aad ee gobolka Bakool ayaa waxa uu Maxamed Isaaq Cali oo ah sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga adalka uu intaa raaciyay inay sii wadi doonaa howgalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -