(Sawirro) Sidee Jabuuti looga dabaal-degay Maalinta Xoriyadda ee 27-ka Juun?

Dalka Jabuuti ayaa waxaa maanta looga dabbaaldeggay xuska sannad guurada 43-aad ee xornimadooda ee kasoo wareegtay markii Jabuuti xornimada ka qaadatay gumeystihii Faransiiska oo ku beegneyd 27-kii Juun sanadkii 1977-kii.

Calanka Jamhuuriyada Jabuuti ayaa la suray waddo iyo meel walba, iyadoo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu ubax dhigay qaar ka mid ah taalooyina halgamayaasha reer Jabuuti.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa u diray dhiggiisa dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda iyo guud ahaan shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti hambalyo ku aaddan sannad guuradii 43-aad ee kasoo wareegtay xornimada Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay maanka ku hayaan garab istaagga iyo naf-hurnimada reer Jabuuti ay u muujiyeen dalkeenna xilliyadii adkaa, taas oo garab weyn u ahayd dowlad-dhisidda iyo samata-bixinta Soomaaliya.

Jabuuti ayaa ka mid ah shantii qeybood ee isticmaarku u qeybiyey Soomaalida geeska Afrika oo labo qeybood oo ka mid ah la raaciyey dalalka Kenya iyo Itoobiya, halka labadii israacday ee Somalia iyo Somaliland ay kala irdhoobeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -