(Sawirro) Booliska DF oo lagu eedeeyey iney rasaas ku fureen hoyga Shiikh Shariif

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Somalia Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa ku eedeeyey ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya inay rasaas ku fureen Difaaca Koowaad ee laga ilaaliyo hoyga Shiikh Shariif uu ka degan yahay Muqdisho oo ku yaalla wadada u baxda garoonka Aadan cadde.

Cabdinaasir Maxamed Sheekh Nuur oo ah Xoghayaha Maaliyadda Xisbiga Himilo Qaran ayaa xaqiijiyay Warkan, isagoo sheegay in Ciidanka Ilaaladda Sheekh Shariif aysan wax jawaabo ah ka bixin rasaasta lagu furay, iyagoo iska ilaalinayey inuu goobta ka dhaco iska horimaad khasaare sababi karay.

Waxa uu sheegay in ay hayaan Cadeymo ah in gaariga rasaasta furay ay leeyihiin Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

“Gaari ay leeyihiin ciidanka Booliska oo Namberkiisu yahay POL 318 ayaa xabado ku furay difaaca 1aad ee laga ilaaliyo guriga uu degan yahay Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, iyadoo Ciidamada ilaalada ka ah guriga ay muujiyeen mas’uuliyad” ayuu yiri Cabdinaasir Maxamed Sheekh Nuur.

Ma jiro illaa hadda war jawaab u ah eedeyntan oo ka soo baxay taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Dhowaan ayey aheyd markii madasha xisbiyada qaran ee uu hogaamiyo Shiikh Shariif ay ku eedeysay dowladda Soomaaliya inay ciidamo ku hareereysay Guriga Shariif Sheekh inkastoo dowladda Soomaaliya ay beenisay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -