Fadeexad ka dhalatay Ciyaarta musaaricada oo lagu qabtay Sacuudiga

Maamulka ciyaaraha ee dalka Sacuudiga ayaa raaligelin ka bixiyay wax ay ku tilmaameen muuqaallo anshax xumo ah oo laga dhex arkay tartankii legdinta ama musaaricada ee Jimcihii lagu qabtay Sacuudiga.

Loolanka intii uu socday waxaa la siidaayay xayeysiin ay ka muuqatay haweeney qeybo ka mid ah jirkeedu muuqday oo shaashada Telefishinnada ka soo muuqatay, oo ay baahiyeen Laanta madalaadada Mareykanka ee the WWE.

Tartanka musaaricada noocan ah waxaa xilli hore Sacuudiga looga arkay waxyaabaha Shisheeyaha. Laakiin arrimaha si xowli ah ayey isku bedelayeen sannadkii ama labadii sano ee tagay.

Qiyaastii 60 kun oo qof ayaa iska buuxiyay garoonka si ay u daawadaan tartanka, waxaana ka mid ahaa dumar iyo caruur.

Waxaa jiray dhalleeceyn loo jeedinayay WWE ka hor inta uusan tartanka billaaban. Waxaa lagu eedeynayay in ay u hoggaansameen amarka dowladda ayna dumarka u diideen in ay legdamaan.

Markii uu bilowday loolanka oo si toos ah looga siideynayay dhowr Telefishan oo sacuudiga ku yaalla, waxaa si lama filaan ah ku soo gashay xayeysiin ku saabsan dhiiragelinta musaaricada dumarka.

Telefishinka dowladda ayaa halkaas ku joojiyay baahintii tooska ahayd, laakiin waxaa dhashay dhalleeceyn dowladda loo mariyay baraha bulshada taas oo kaga imaaneysay qeybaha kala duwan ee bulshada Sacuudiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
  

- Advertisement -