Maraykanka oo liiska argagaxisada ku daray Axmed Iimaan Cali & C/fitaax Abuukar Cabdi

Maraykanka ayaa shaaciyay iney liiska waxa loogu yeero aragixisada ku dartay laba xubnood oo ka tirsan taliyayaasha sare ee Al-Shabaab u qaabilsan howlgalada gudaha Kenya.

Labadan xubnood ayaa Maraykanku u aqoonsadeen argagixiso caalami ah, waxayna kala yihiin Axmed Iimaan Cali iyo C/fitaax Abuubakar Cabdi waxaana Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanku sheegtay inay halis weyn ku yihiin amniga muwaadiniinta Maraykanka, amniga qaranka Maraykanka, siyaasadda arimaha dibedda iyo dhaqaalaha Maraykanka.

Axmed Iimaan Cali sida Maraykanku sheegay madax kasoo noqday garabka Kenya ee Ururka Al-Shabaab tan iyo sannadkii 2012-kii isagoo lagu eedeynayo inuu agaasimay hawlgallada Ururka ee gudaha Kenya.

Wasaaradda arimaha dibedda ee Maraykanka ayaa sidoo kale ku eedeysay hogaamiyahan in hawlgallada uu maleegay uu ka mid ahaa  weerarkii lagu qaaday ciidamada Kenya ee Ceel-Cadde.

Dhinaca kala dawladda Maraykanku waxay sheegtay in sannadkii 2015 Kenya ay liiska argagixisada ku dartay Cabdifataax Abuubakar Cabdi iyadoo la tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab taliyayaasha u qaabilsan Kenya.

Waxaa lagu eedeeyey inuu ku lug lahaa weeraradii dadka badan ku dhinteen ee sannadkii 2014 lagu qaaday degaanka Mpeketoni oo ka tirsan gobolka Xeebta Kenya weeraradaasoo ay ku dhinteen dad ku dhow 60 qof moo Kenyan ah.

Maraykanka ayaa horey liiska argagaxisada ugu daray saraakiil ka tirsan Al-Shabaab iyo shaqsiyaad oo kale oo lagu eedeeyey iney taageeraan kooxaha loogu yeero argagixisada, duqeymo ay fuliyeen dayuuradaha Maraykanka ayaa qaarkood horey loogu qaarajiyey, halka kuwa kale weli la baacsanayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -