Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

(Sawirro) Soomaaligii ugu horeeyey oo cudurka Coronavirus ugu geeriyooday Norwey

Marxuum Axmed Faarax Cali ayaa noqday Soomaaligii ugu horeeyay ee dalka Norwey ugu geeriyooda xanuunka Covid 19, waxaana maanta lagu aasay magaalada Oslo.

Waxaa aaska marxuumka kasoo qeybgalay dad 50 qof gaarayo, tiradaas oo aheyd tirada ugu badan ee hey´addaha dowladu ay ogolyihiin inay isugu imaan karaan janaasada duugta dadka u geeriyooda xanuunka covid-19.

Hey´addaha dowlada ayaa soo rogay habraac la xiriira qaabka loo aasayo dadka u geeriyooda xanuunkaas.

Marxuum Axmed Faarax Cali ayaa sida dadka yaqaanay ay sheegeen ahaa qof aad looga qadariyo bulshada Soomaalida Oslo.

Soomaali fara badan ayaa qaarada Yurub ugu geeriyootay xanuunka Covid 19, waxaana meelaha Soomaalida badan uu cudurkan ku dilay ka mid ah Sweden, UK iyo meelo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

(Akhriso) Guddiga doorashada Madaxweynaha K/Galbeed oo jadwal cusub shaaciyey

Caydiid Ali

Qarax dhimasho & dhaawac sababay oo ka dhacay duleedka Magaalada Beladweyne

Caydiid Ali

Sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska Somalia oo Magaalada Muqdisho lagu dilay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---