Wasiir isku daldalay sabab la xiriirta hoos u dhaca dhaqaale ee uu keenay Coronavirus

Wasiirka Maaliyadda dowlad goboleedka Hesse ee dalka Jarmalka oo ay hoos tagto magaalada Frankfurt ayaa maydkiisa la helay.

Maamulka ayaa xusay inay u muuqato inuu Wasiirku isdaldaley, iyadoo uu gudoomiyaha gobolku sheegay inuu dareemayey in Wasiirku quus ka joogey burburka dhaqaale ee uu keenay caabuqa Coronavirus ee caalamka ku baahaya.

Thomas Schaefer oo 54-jir ahaa xubinna ka ahaa xisbiga talada haya ee ay hoggaamiso Angela Merkel ayaa meydkiisa laga helay birta xadiidka ah ee tareennada magaalada Hochheim oo u dhow Frankfurt.

Booliiska iyo dembi baarayaasha oo dad goobjoog ahaa waraystay ayaa sheegay iney aaminsan yihiin inuu Schaefer iskii isu diley, inkastoo uu weli baaritaan socdo.

Guddoomiyaha maamul-goboleedka Hesse, Volker Bouffier ayaa sheegay in ay u badan tahay inuu Wasiirku xamili waayey xasaradda dhaqaale ee caabuqa corona oo aad u dhaawacay dhaqaalaha caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

 

- Advertisement -