Madaxweyne Deni oo si kulul uga hadlay weerarkii lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Nugaal

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya macagaca maamulka iyo kan Shacabka Puntland waxa uu ka tacsiyadeeyey Geerida Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii gobolka Nugaal Marxuum Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir) oo lagu dilay weerar ismiidaamin ah oo caawa lagula beegsaday magaalada Garowe.

Guddoomiyuhu waxa uu gudanaayey waajibaadkiisa shaqo ee uu u hayo shacabkiisa, waxaana uu ku sugnaa xilligaasi Saldhigga Dhexe ee caasimadda Dowladda Puntland ee Garoowe sida lagu sheegay war ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

“Madaxweyne Deni waxa uu tiiraanyada Geeridaasi la qaybsanayaa shacabka Puntland, gaar ahaan eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo awlaaddii uu ka baxay Guddoomiye Marxuum Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir), waxaana uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo samir iyo iimaanna kasiiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland, ehelkiisii iyo qaraabadiisiiba” ayaa lagu yiri war ka soo baxay goor dhow madaxtooyada Puntland.

“Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu si kulal u cambaaraynayaa falkaasi argagixiso ee lala beegsaday Saldhigga Dhexe ee Caasimadda Dowladda Puntland ee Garoowe, waxa uu Madaxweynuhu Alle “SWC” uga baryayaa intii ku dhaawacantay inuu u boogadhayo, waxaana uu Madaxweynuhu bogaadiyey ka hortagga deg degga ah ee ay ciidamada Puntland kaga hortageen cadawga gabood falkaasi la damacsanaa shacabka iyo masuuliyiinka waajibaadkooda shaqo gudanaayey” ayaa sidoo kale qoraalka lagu soo gebagebeeyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -