Duqa Muqdisho oo soo saaray amar lagu xirayo goobaha bulshadu ku kulanto (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa caawa Guddoomiyay shirka Todobaadlaha ee Maamulka Gobolka Banaadir, kaasoo ka dhacay xarunta Degmada Shingaani.

Shirkan oo ay kasoo qeyb-galeen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta, Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Abaabulka iyo Wacyigelinta ayaa waxaa looga hadlay caabuqa Covid-19 oo dhibaato xoogan ku haya Dunida iyo sidii looga hortagi lahaa faafidiisa.

Duqa Muqdisho ayaa inta uu shirka socday amray in la joojiyo isku imaatanka Bulshada si loogu fogaado wax weliba oo keeni kara Caabuqa Covid19 oo ah mid si fudud la isaga qaadi karo taabashada iyo Neefta, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay Maqaayadaha waaweyn iyo Hoteelada ku yaala Liido oo Bulshada si aad ah isugu yimaadaan iyo goobaha nasashada iyo damaashaadka loo tago ee magaalada.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale faray Bulshada in ay u hogaansamaan fariimaha wacyigelin ee Wasaarada Caafimaadka iyo Waaxda Caafimaadka ee Dowladda Hoose ee Xamar.
Lama oga sida amarkan ay ugu hogaansami doonaan ganacsatada iska leh goobaha la cayimay iyo awooda maamulku u leeyahay inuu xiro goobaha bulshadu ku kulanto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com  

- Advertisement -