YAAB: Coronavirus oo sabab u noqday farxada kumanaan qof & sababta ka dambeysa

Cudurka Coronavirus dhimashada iyo cabsida faraha badan ee laga muujinayo ka sokow waxaa uu sabab u noqday farxada kumanaan maxaabiis ah oo ku jiray jeelasha caalamka qaarkood, kuwaasoo qaarkood la sii daayey, qaar kalena la qorsheynayo in ooda laga qaado saacadaha soo socda.

Itoobiya waxay bilowday inay xabsiyada kasii deyso in ka badan 4000 maxaabiis ah si looga hortaggo in cudurka Corona uu ku faafo gudaha xabsiyada dalkaas.

Maxaabiista lasii deynayo ayaa ah kuwa loo heysta dambiyada fudud iyo dumarka maxaabiista ah ee wata carruurta.

Waxay arrintani imaaneysaa xilli gobolka Tigreega uu ku dhawaaqay xaalad deg deg ah, waxaana ka mid ah in la xiray suuqyada iyo goobaha ay dadka isugu yimaadaan si looga hortaggo cudurka Corona.

Itoobiya waxaa laga xaqiijiyay 12 kiisas oo Coronavirus ah balse ma jirto cid cudurka ugu dhimatay halkaas.

Dowlado kale oo caalamka ka tirsan sida Maraykanka iyo britain ayaa iyana qorsheynaya iney ooda ka qaadaan kumanaan maxaabiis ah oo ku jira jeelasha dalalkaas, iyagoo ka cabsi qaba inuu ku xabsiyada ku faafo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -