Raisul Wasaaraha Britain Boris Johnson oo laga helay caabuqa Coronavirus

Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa laga helay xanuunka dunida kusii faafaya ee coronavirus, kaddib markii baaritaan lagu sameeyay.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha UK ayaa shaacisay warkan, waxaana la sheegay in Mr Johnson uu qabo calaamado sahlan oo ka mid ah kuwa uu leeyahay cudurka, wuxuuna si shakhsi ahaan ah isugu karantiilay gudaha xafiiskiisa.

“Waxaa laga baaray coronavirus kaddib markii uu si gaar ah ula taliyay madaxa waaxda caafimaadka, Chris Whitty,2 ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Sida lagu sheegay bayaanka, Boris Johson wali wuxuu sii heyn doonaa xilka iyo maamulka dowladda, xilli lala tacaalayo xasaradaha ka dhashay cudurkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -