Madaxweyne Deni oo waqti la qaatay shacabka degmada Eyl (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdilaahi Deni ayaa maanta dib ugu laabanaya Garoowe, 6 beri ayuu madaxweynuhu safar u gaar ah ugu joogay Magaalada Eyl ee dhacda xeebta badwaynta Hindiya sida ay ilo xog-ogaal ah xaqiijiyeen.

Inta uusan soo safrin Madaxweynuhu waxa uu kulamo la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada, waxa uu la shaahay shacabka Magaalada sidoo kalena waxa uu u kuur-galay xarumaha laga bixiyo adeegyadda Bulshada.

Madaxweyne Deni sidoo kale waxa uu balan-qaaday dayactirka wadada isku xirta labada xaafadood ee degmada Eyl ee kala ah Baday iyo Daawad ka dib codsi uga yimid dadka degaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -