Maamulka Jaamacadda Benaadir oo kulan la qaatay Maamulada Iskuulada Muqdisho (Daawo Sawirro)

Maamulka Jaamacadda Banaadir ayaa kulan balaaran la qaatay qaar ka mid Maamulayaasha Jimciyadaha iyo dugsiyada hoose dhexe iyo sare ee ku yaalla Magaalada Muqdisho,

Kulankan oo ujeedadiisu aheyd dar-dar gelinta iskaashiga dhinaca Waxbarashada iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka wada shaqeyn ee ka dhexeeya labada dhinac ayaa waxaa si weyn loogu lafa guray qodobo ay ka mid yihiin tayeynta Waxbarashada, kor u qaadida aqoonta dhalinta Soomaaliyeed, xal u helida dhaliilaha jira iyo qodobo kale, iyadoo la isku dhaafsaday talooyin muhiim ah.

C/qaadir Maxamed Xasan oo ka mid ah Masuuliyiinta Jimciyada Maka Al-Mukarama ayaa Jaamacadda Benaadir u mahad celiyey, isagoo ku amaanay kaalinta hormuudnimo ee ay kaga jirto horumarinta iyo xoojinta tacliinta sare ee dalka isagoo tilmaamay in jimciyadu ay xiriir joogto ah la leedahay Jaamacada ayna hadda wax ka bartaan Jaamacada arday fara badan oo horey uga baxay iskuulada jimciyada hoos yimaada.

Maamulaha dugsiga Cimraan Binu Xuseen Cimraan Mayow oo isna munaasabadan hadal kooban ka jeediyey ayaa sheegay in inkastoo horumar fiican laga gaaray tacliinta haddana ay jiraan caqabado badan oo salka ku haya duruufaha weli ka jira dalka, kuwaasoo uu xusay in looga gudbi karo iskaashi iyo wada shaqeyn dhexmarta bahda Waxbarashada, isagoo dhinaca kale xusay in Jaamacadda Benaadir ay ka mid tahay kuwa fara tiriska ah ee ugu tayada fiican dalka, loona baahan yahay iney ku hirtaan ardayda ka baxday dugsiyada dalka.

Guddoomiyaha Jaamacadda Benaadir Dr. Maxamed Maxamuud Biday oo isna ka hadlay munaasabadaas ayaa sheegay iney farxad u tahay ka soo qeyb galka kulankan, isagoo dhinaca kale ka warbixiyey xiliga aasaaskii Jaamacada, marxadihii kala duwanaa ee ay soo martay iyo qaabka ay uga socota Waxbarashada Kuliyaddaha ay ka kooban tahay.

“Jaamacadda Banaadir waxaa asaasay aqoonyahano Soomaaliyeed sanadkii 2002 markii ay arkeen baahida loo qabo in la helo Jaamacad tayo leh, 30 arday iyo guri kiro ah ayaa lagu bilaabay, maantana waxaa wax ka barta arday kumanaan gaareysa, kumanaan kalena wey ka aflaxeen, waxay leedahay Jaamacadu Cambus weyn, isbitaal casri ah, kuliyad walba oo ka mid ah 11-ka kuliyadood ee jaamacada waxay leedahay xarun u gaar ah, waxayna Jaamacadu leedahay qeybta waxbarashada heerka labaad ee Masterka oo taqasusyo kala duwan leh, waxayna heysataa aqoonsi caalami ah, iyadoo xubin ka ah dhamaan ururada Jaamacadaha dibeda iyo gudaha” ayuu yiri Dr. Biday oo intaas ku daray in Jaamacadu ay tahay Jaamacada kaliya ee ay ku mideysan yihiin aqoonyanadii ka baxay Jaamacadii hore ee Umadda.

Dr. Biday ayaa xusay in Maamulayaasha kulanka fadhiyey iskuuladooda ay yihiin kuwa ugu tayada fiican Muqdisho ka dib qiimeyn ay ku sameeyeen ardayda ka soo baxday ee wax ka barta Jaamacada, sidaas awgeedna uu Maamulka Jaamacaddu ugu talo galay inuu gudoonsiiyo shahaado sharafeedyo ay ku muteysteen waxqabadkooda, isagoo balan-qaaday in Jaamacadu ka taageeri doonto arrimo badan oo ay ka mid yihiin tababarka Macalimiinta, in ardaydooda loo fasaxo inay baraatiko ku sameeyaan sheybaarada Jaamacada, in dhaqaatiirta Jaamacada ay ardayda u sameeyaan baaritaano Caafimaad oo bilaash ah iyo waxyaabo kale.

Ugu dambeyn waxaa Munaasabadaas hadal qiimo leh ka jeediyey guddoomiyaha Mu’asasada tacliinta sare ee Banaadir Dr. C/llaahi Shiikh Xuseen (Bushkuleeti) oo sheegay in dugsiyada sare ee dalka iyo Jaamacaduhu ay yihiin kuwo isu baahan oo iskaabaya, maadaama arday kasta oo ka soo baxa iskuul uu u soo gudbayo Jaamacad, wuxuuna ku baaqay in la xoojiyo xiriirka wada shaqeyn ee labada dhinac.

Munaasabadan ayaa intii ay socotay waxaa sidoo kale kelmado iskugu jiray talo iyo tusaale ka soo jeediyey masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Gudoomiye ku-xigeenada dhinacyada Maaliyadda iyo Waxbarashada ee Jaamacada Benaadir C/raxmaan Xasan Cumar iyo Khaliif Muuse Warsame, hormuudka Kuliyadda Caafimaadka Prof. Tahliil Cabdi Afrax, Hormuudka Kuliyadda Cilmiga kheyraadka dhulka (Geo-Sience) Ing. C/qaadir Abiikar, Hormuudka kuliyadda Beeraha Maxamed Shiikh Cabdi, Dr. Maxamed Max’uud Fuje oo ka tirsan Mu’asasada Benaadir iyo xubno metelayey dugsiyada Ibnu-Khuzeyma, Al-bayaan, Ablaal iyo qaar kale, iyadoo gebagebadii kulanka Maamulka Jaamacadu uu shahaado sharafeedyo gudoonsiiyey Maamulayaasha Iskuulada goob jooga ahaa taasoo ay ku muteysteen shaqada adag ee ay bulshada u hayaan.

Guddoonka cusub ee dhowaan loo doortay Jaamacadda Banaadir ayaa wada kulamo iyo barmaajiyo lagu dardar gelinayo howlaha Jaamacadda oo ay hadda wax ka bartaan in ka badan 3,500 oo arday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -