Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddiga la dagaallanka Musuqmaasuqa DF oo digniin ka soo saaray doorashooyinka

Guddiga Madaxa Bannaan ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  ayaa ka hadlay  kaalinta Guddiga ee xaqiijinta xoojinta hannaanka doorasho daahfuran, caddaalad ah oo dimuqraadiyad ku saleysan; inuu kormeero maalgalinta iyo kharashaadka siyaasadeed; lana joojiyo ku tagri falka hantida qaranka xilliga doorashooyinka.

Iyadoo laga ambaqaadayo waajibaadka dastuuriga ah, Guddiga Madaxa Bannaan ee La-Dagaalanka Musuqmaasuqa wuxuu si dhow ula socon doonaa ficillada Guddiyada Doorashooyinka, ergooyinka iyo musharrixiinta si looga hortago nooc kasta oo khaladaad doorasho ah.

Guddigu wuxuu hoosta ka xariiqayaa inuu eegi doono dhammaan tabashooyinka ay soo bandhigayaan dhammaan daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka, waxaana naga go’an in Guddigu baaro, isla markaana qaado tallaabooyinka ku habboon ee ka dhanka ah kuwa lagu helo ku takri-falka awoodaha lagu aaminay. Guddigu wuxuu ka digayaa ku xadgudubka iyo ku takrifalka hantida qaranka taas oo carqaladeyn xaqa muwaadiniintu u leeyihiin helista adeegyada dowladda ee loo siman yahay. Guddiguwuxuu si adag uga digayaa laaluusha bixinta iyo qaaashada, iibsiga codadka xilliga doorashada lagu jiro, ka hor iyo ka dib doorashooyinka.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA OO DHAMEYSTIRAN.

https://youtu.be/Bl2BSQeF2nI

Related posts

Banaan bax looga soo horjeeday Caleemo saarka Axmed Madoobe iyo Kenya oo la dhigay

Cabdi Cade

Wakiilka Q/Midoobay u qaabilsan Somalia oo War-saxaafadeed soo saaray (Akhriso)

Caydiid Ali

Suuqa Waaheen oo si casri ah loo dhisay iyo Muuse Biixi oo xariga ka jaray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---