Nin aabihiis ku dilay magaalada Ceyrigaabo oo la qabtay kana hadlay Sababta uu u dilay

Wararka ka imaanaya magaalada Ceyrigaabo ee katirsan gobolka Sanaag ayaa sheegaya in xalay halkaasi uu ka dhacay fal dil ah oo dadku aad uga argagaxeen, kaddib markii nin kamid ahaa dadka deegaanka uu aabihiis halkaasi ku dilay.

Ninka dilka geestay oo  katirsanaa askarta maamulka Somaliland ayaa la sheegay in si bareer ah aabihiis halkaasi ugu dilay, kaddib muran iyo isku dhac dhax maray aabaha iyo wiilka uu dhalay.

Ciidamada booliiska maamulka Somaliland ayaa gacanta kusoo dhigay ninkan aabihiis ku dilay magaalada Ceyrigaabo, xilli uu doonayay ninkaasi in uu ka baxsado gacanta laamaha ammaanka.

Wareysi uu booliiska siiyay ninka dilka geestay ayuu ku qirtay in aabhiis isagu dilay, waxa uuna tilmaamay in aabhiis marar badan wax aanu aheyn ku sheegay, waxa uuna intaa ku daray in marar badan xiray sidaasna uga carrooday una dilay.

Booliiska magaalada Ceyrigaabo ayaa sheegay in ninkan gacankudhiiglaha ah ee dilay aabhiis si deg deg ah maxkamad loo soo taagi doono, si loogu qaado xukunka falka dilka foosha xun uu aabihiis u geestay.

Dhacdooyinka argagaxa leh ee ka dhax dhacaya qoysaska ayaa muddooyinkan kusoo badanaya gayiga Soomaaliya, dhawaan ayey aheyd markii aabbe isna magaalada Buurhakaba ee gobolka Baay ku dilay wilkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -