Al-Shabaab oo War ka soo saartay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Muqdisho

Al-shabaab ayaa ka hadashay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay maanta maqaayad ku taalla agagaarka xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho (Ex-baar Bulsho).

Qaraxan ayaa yimid ka dib markii nin dhexda ku soo xirtay waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyey maqaayada oo la sheegay iney mararka qaarkood wax ka cuni jireen ciidamada dowlada.

Qoraal lagu daabacay bogaga taageera kooxda Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxaas uu ahaa mid ismiidaamin ah oo uu fuliyey mid ka mid ah dagaalyahanadooda, ayna ku dileen 9 askari halka 24 kale ay ku dhaawacmeen.

Warka Al-Shabaab ay ka soo saartay khasaaraha ka dhashay qaraxan ayaa u muuqda ka badbadis ah, iyadoo warar madax banaan oo laga helayo dad goob joogayaal ah ay sheegayaan in illaa 3 qof oo hal qoys ka soo wada jeeda ay ku dhinteen halka lix kale ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo dhamaantood shacab ahaa.

dhinaca kale, Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan ayaa sheegay in Ruux isku soo xirey waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyey Maqaayad ku dhow taalada Sayidka, isla markaana ay ku geeriyoodeen Saddex Ruux.

“Ruux naftii halige ah ayaa isku qarxiyay agagaarka Baar-Bulsho ee Degmada Howlwadaag. gaar ahaan suuq-yaraha Sayidka. Waxaa ku dhaawacmay 6 ruux oo 4 ka mid ah ay yihiin hal qoys, Inkastoo markii danbe ay Isbitaalka ku geeriyoodeen 3 ka mid ah qoyskaas ayuu yiri” Saalax Dheere.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -