Kiisaska cudurka Coronavirus ee laga helay Kenya iyo Jabuuti oo sii kordhaya

Waxaa sii kordhaya kiisaska la xiriira cudurka Coronavirus ee laga diiwaan geliyey dalalka Kenya iyo Jabuuti oo Somalia deris la ah.

Wasaaradda caafimaadka Kenya ayaa sheegtay in ilaa sagaal kiis oo hor leh oo cudurka Coronavirus ah la diiwaan-geliyey shalay, taasoo tirada kiisaska dadka qaba xanuunkaasi ee dalkaasi Kenya ka dhigaysa ilaa 25.

Kenya ayaa sidoo kale baaritaano ku wada dad boqolaal gaaraya oo looga shakisan yahay xanuunka, waxaana suurta-gal ah in tiradu kororto.

Dhinaca kale, Dalka Jabuuti ayaa maanta xaqiijiyay 9 qof oo kale oo uu ku dhacay cudurka Corona, sida uu sheegay xoghayaha wasaaradda caafimaadka Jabuuti, Saalax Banoyta Turaab.

Dhawaan ayay aheyd markii Jabuuti ay xaqiijisay 2 kiis oo ku saabsan cudurka Corona, haatan waxaa labadaas qof lagu haya xarun karantiil oo ku taalla gobolka Carta.
Kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Corona ee laga xaqiijiyay gudaha Jabuuti wuxuu ahaa askari u dhashay Spain oo kamid ahaa ciidammada shisheeye ee ku sugan dalkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -