Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Saraakiil Tababar loogu qaaday dalka Dibadiisa oo Muqdisho laga sagootiyay (Daawo Sawirada)

Taliska ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka sagootiyay saraakiil iyo saraakiil xigeeno dalka dibadiisa tababar kusoo qaadanaya.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe iyo saraakiil kale ayaa garoonka Aadan Cadde ka sagootiyay saraakiiisha tababarka loogu qaaday dalka dibadiisa.

Saraakiishan tababarka loo diray ayaa horey tababaro kala duwan ugu qaatay gudaha Soomaaliya, waxaana saraakiishan tababar qaas ah kusoo qaadanayaan dalka dibadiisa sida uu sheegay Taliska milatariga.

Sagootinta saraakiishan tababarka soo qaadaneysa ayaa imaaneysa xili maalmo kahor magaalada Muqdisho lagu soo dhaweeyay saraakiil katirsan Milatariga Soomaaliya oo tababar kusoo qaatay dalka Turkiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka NISA oo qabtay afar nin oo ka dambeeyay dilka labo wiil oo walaalo ahaa

Cabdi Cade

Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo ansixiyay magacaabista Cabdisalaan Cabdiraxmaan Maxamed

Cabdi Cade

Faahfaahin: Qarax ka dhacay Garowe & Booliska Puntland oo War ka soo saaray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---