Ciidamada Danab oo shaaciyey iney gacanta ku dhigeen Ibraahim Maxamed Rooble

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee xukuumada Somalia ayaa lagu xaqiijiyay in 23-kii Maarso 2020 ay ciidamada DANAB gacanta ku dhigeen sarkaal sare oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab kadib hawlgalo laga sameeyay Gobolka Shabeelada Hoose, kaasoo ay magaciisa lagu sheegay Ibraahim Maxamed Rooble.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA WASAARADA OO KU QORAN SOMALIN IYO ENGLISH

WAR-SAXAAFADEED

Ciidamada kumaandooska ah ee Danab guutada 1-aad ayaa qaaddey weerer lagu soo qabtay xubin sare oo ka tursan Alshabaab agagaarka magaalada Wanlaweyn.

Duullaanka ayaa DFS iyo maamul gobeleedyada u ah guul weyn oo u soo hoyatay dhamaan xoogagga amniga Soomaaliyeed.

Ciidan lugta ee ka socda Guutada 1-aad ayaa magaadalada galay amin habeen ah iyagoo isticmaalaya hab isqarin ah oo ay ugu dhawaanayaan bartii loo socday, Taasoo filanwaa kaga dhigtay Alshabaabkii argagaxisada ahaa oo isku dayey inuu baxsado. In guul laga gaaro hawlgal habeen dhaca waa waxa ugu adagee uu ciidan sameeyo meel walba oo aduunka.

Guushan laga soo hoyey hawlgalkan ayaa na tusanaysa sida ay kor ugu kacday awoodda Guutada 1-aad ee Danab maadaama ay gudanayaan hawlgallo aad u culus sida kan oo kale ah.

Qabashada Ibraahim Maxamed Rooble oo ah canshuur ururiye iyo amniyaatka gobolka ayaa timi maalmo yar kadib markii Ciidanka Xoogga Dalka ay gacanta ku dhigeen madaxa sirdoonka gobolka Xasan Suuley taasoo daba joogta markii ciidamada wadajirla ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM y xoreeyeen magaalada Jannaale.

Ragga iyo dumarka aadka u tababaran ee ka tirsan Ciidanka Gaarka ah Danab, Xoogga Dalka, AMISOM ayaa si aan nasasho alahayn u sii cayrsanaya fuliyada argagaxisada ee Alshabaab oo had iyo jeer soo qaada falal argagaxiso oo ay ku cabsi galinayaan shacabka aan waxba galabsan ee Soomaaliyeed.

Caawa nabad ku seexda. Ciidamada Gaarka ah ee Danab ayaa heegan u ah inay ilaaliyaan dadka Soomaaliyeed.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -