Wasiir Lacag badan xaday oo xukun Cajiib ah lagu riday iyo hadal heyn ka dhalatay !!

Maxkamad kutaala Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa xukun hadal heyn badan dhaliyay waxa ay ku riday Wasiirkii hore ee caafimaadka dalkaasi oo lagu helay in lacago badan musuq maasuqay.

Wasiirkii Caafimaadka Congo Oly Ilunga ayaa lagu helay in uu musuq maasuqay lacag ka badan 400,000 oo doolar oo loogu talagalay in lagula dagaallamo cudurka Ebola oo dalkaasi dad badan ku laayay.

Oly Ilunga iyo lataliyihiisa dhinaca maaliyada ayaa lagu eedeeyay in dumumiintiyo been abuur ah ku qaateen lacago badan oo loogu tala galay in lagula dagaalamo cudurka Ebola, waxa uu sidoo kale Wasiirkan lunsaday lacago loogu tala galay daabulida qalab caafimaad.

Maxkamada qaadeysay dacwada loo heestay Wasiirkii Caafimaadka Congo Oly Ilunga ayaa ugu dambeyn Wasiirka ku xukuntay shan sanno oo uu qabanayo shaqo adag, kadib markii lagu helay dambiga xatooyada iyo musuq maasuqa.

Xukunkan lagu riday Wasiirkii hore ee caafimaadka Congo ayaa hadal heyn badan ka dhaliyay gudaha dalkaasi, dadka qaarkood ayaana soo dhaweeyay xukunkan halka kuwa kalana ku tilmaameen xukun jilicsan oo sare u qaadaya musuq maasuqa dalkaasi ka jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -