Ciyaaryahan Soomaaliya Caan ka ahaa oo u geeriyooday Caronavirus

Wararka ka imaanaya magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu ku geeriyooday Allaha u naxariistee Ciyaaryahankii hore ee xulka Qaranka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Faarax (Biriq) .

Sida aan wararka ku helnay Cabduqaadir Biriq ayaa maalmihii lasoo dhaafay la xanuunsanaa caabuqa Caronavirus oo haleelay, waxaana maanta uu ku geeriyooday isbitaal kuyaala magaalada London oo xaaladiisa lagula tacaalayay.

Allaha u naxariistee Cabdulqaadir Maxamed Faarax (Biriq) ayaa ahaa ciyaaryahan hore oo caan ka ahaa gayiga Soomaaliya, waxa uuna usoo ciyaaray xulka Qaranka Soomaaliya iyo kooxdii Batroolka, waxa uuna mudooyinkii dambe ahaa falanqeeye dhanka ciyaaraha.

Dalka Ingiriiska iyo wadamo kale oo kuyaala Qaarada Yurub waxaa cudurka Caronavirus ugu geeriyooday Soomaali badan, waxaana wali xaaladooda lala tacaalayaa Soomaali kale uu haleelay cudurkan halista ah.

 

- Advertisement -